“Waa In Deg Deg Loo Joojiyo Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida..” Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed
July 18, 2018 - Written by Berbera Today
Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalladaas.
Hadalkan ayuu ka jeediyay Warbaahinta dowladda kaddib markii ay halkaa ka dhoofeen magaalada Addis Ababa wafdiggii uu horkacayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerk.
Abiy ayaa gaar ahaan siweyn u cambaareeyay dilalka joogtada ah oo dadka Oromada ah kula kacayaan Soomaalida, isaga oo faray laamaha Amniga guud ahaan in ay arintaa soo afjaraan.