Amiir Imaaraati Ah Oo Isku Dhiibay Qatar Ka Dibna Sir Culus Shaaca Ka Qaaday
July 19, 2018 - Written by Berbera Today
Doha(Berberatoday.com)-Wargeyska The New York Times ayaa warbixin ka qoray wareysi uu la yeeshay amiir Imaaraati oo 31 jir ah, Sheikh Rashid Bin Hamad al-Sharqi, kaasi oo bishii May ka cararay dalka Imaaraatka, iskana dhiibay Qatar.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan muran ka dhex oogan Amiirada dalkiisa, ku lug lahaanshaha Abu-Dhabi ee been-xalaaleynta lacagaha iyo sida Imaaraatka u maal-geliyaan amiirada Qatar ee dibad-joogga ah.