War Deg Deg Ah”Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil Aadan Khushi Iyo Kuxigeenkiisii Oo Xilalkii Laga Qaaday Iyo Kuwo Cusub Oo La Soo Magacaabay
July 19, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil Shaashaanle Sare Aadan Cabdi Cawaale(Aadan Khushi) iyo Ku Xigeenkiisii oo lagu magacaabo Qabaal ayaa Xilalkii laga qaaday Sida wararku xaqiijinayaana waxaa taliska Guud ee Ciidamada Booliiiska Somaliland Soo magacaabeen Taliye Qeybeed Cusub oo Lagu magacaabo Faysal Taygaro iyo Kuxigeenkiisa oo ah Jaamac Ismaaciil Xuseen(Jaamac Jagaag)oo hore taliye qeybeed kuxigeen uga soo noqday Gobolka Saaxil halka Taliye qeybeedka Cusubina hore xilal Taliye Saldhigyo iyo qeyba uga soo qabtay Hargeysa.