Xukun Lagu Riday Magafeyaal Yemeniyiin Ka Mid Yihiin Oo Xeebaha Saaxil Ka Tahriibinayey Dhallinayaro Reer Somaliland Ah
July 19, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukuno kala duwan ku riday Rag magefayaal ah oo xeebaha gobolka Saaxil ka tahriibinayey dhallinyaro ay ka keeneen magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Garsoore Axmed Yuusuf Cabdi oo ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa ku dhawaaqay xukunka Ragaasi ayaa sheegay in laba ka mid ah Raggaasi u dhasheen Waddanka Yemen isla-markaana wateen laash yar oo ay doonayeen inay sifo sharci darro ah ugu tahriibinayeen Dalka Yemen 7 dhallinyaro reer Somaliland ah, kuwaasi oo aad u da’ yaryar.