Brazil”Dakhtarkii Ay Farsamadiisa Ku Dhimatay Haweenaydii Qurux Raadiska Aheyd Oo La Qabtay Lana Xidhay
July 20, 2018 - Written by Berbera Today
Rio Dejinero(Berberatoday.com)-Dakhtar caan ku ah qaliinnada la isku qurxiyo oo reer Brazil ah ayaa la xidhay ka dib afar maalmood oo uu baxsad ahaa markii ay dhimatay haweenay ka mid ahayd bukaannadiisa uu qaab qurxinta usameynaayay.
Dakhtarkaas ayaa caan ku ahaa magaca Dr Bumbum oo afsomali ahaan noqonaysa Badhibadhi.
Booliiska ayaa sheegay in ay Dr Denis Furtado ka qabteen magaalada Rio de Janeiro, waxayna u mahadceliyeen cid aysan faahfaahin ka bixinin oo ka gacan siisay soo qabashadiisa.