Kooxaha Xuutiyiinta Yemen Oo Afduubtay Ilaa 55 Qof Oo Shacab Ah
July 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxaha Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiran ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay ku qaadeen tuulada Al-Qadam oo ka tirsan degmada Atma oo galbeed ka xigta gobolka Dhamar in ay ku afduubteen ilaa 55 qof oo ay ku jiraan carruur da’doodu ka yartahay 12.
Dadka ay afduubteen ayay u dhaadhiciyeen xabsi ay maamulaan xuutiyiinta oo aan la garanayn halka uu ku yaal, sida laga soo xigto ilo wareedyo.
Shacabka deegaanka Catma ayaa sheegay in aysan ogeyn halka ay ku suganyihiin carruurtooda iyo dadkii kala ee la afduubtay, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda ay ku suganyihiin ehelladooda la afduubtay.