Wariyihii Ruug Cadaaga Ahaa Ee Yoonis Cali Nuur Oo London Ku Geeriyooday
July 20, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Inaalilaahi Wa Ina Ilayhi Raajucuun Allah SWT Ha Unaxariisto Qabrigiisana Ha Uwasiciyo Wariyihii Weynaa Ee Marxuum Yoonis Cali Nuur Oo Xalay London Ku Geeriyooday Kadib Sida La Sheegay Markii Uu Xanuun Xaga Beerka Ah oo Wayadan Danbe Uu Uxanuunsanaayay.
Waxan Tacsi Udirayaa Guud Ahaan Bahda Warfidiyeenka Somalida Oo Dhan Ee Uu Ka Baxay iyo Qoyskiisa Uu Sida Garka Ah Uga Baxay
ALLAH Ha SWT Ha Uraxmado Marxuum Yonis Ali Nur
Marxuum Yoonis Cali Nuur Waxa Uu Saxaafada Iyo Bahda Warfidiyeenka Uu Kusoo Jiray Kana Soo Shaqaynaayay Mudo Kabadan 45 Sanadood Isaga Oo Marxuumka Dhashay 1952 Shaqada Warfideenkana Waxa Uu Ka Bilaabay Radio Muqdisho 1983-giina BBC-da Lanteeda Afka Somaliga Ayuu Shaqada Ka Bilaabay 2014kiina Waa Uu Ka Fadhiistay Waxaanu Ka Mid Noqday Masuuliyiinta Wasaarada Warfafinta Somaliland Waxaanu Hadda Shaqadiisu Aheyd Lataliyaha Wasiirka Warfaafinta Somaliland