“Cabashada Kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada Ayaanu La Qabnaa Waxase Noo Dheer Oo Anaga Gobolka Saaxil Ahaan Naga Maqan Laba Kursi Oo Xiligii Madaxweyne Marxuum Cigaal Uu Bixiyay Iyagana Waa Doonaynaa”Suldaan Cali Saleebaan Maxamed
July 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Cali Saleeban Maxamed oo kamid Suladiinta Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil ayaa sheegay inuu Ku raacsanyahay Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan in dib loo furo dastuurka dalka Somaliland oo wax ka bedel lagu sameeyo si xal loogu helo cabashada gobolada Galbeedka Somaliland iyo Kuwa Bariga ee ka cabanaya in kurasta Golaha Wakiiladu Ku yaryihiin.
Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo khadka Tilifoonka ugu waramay shabakada Wararka ee Berberatoday.com isaga oo jooga magaalada hargeysa ayaa sidoo kale sheegay ka gobolka Saaxil ahaana ay doonayaan inay helaan Laba Kursi baarlamaan oo xiligii uu Madaxweynaha aha Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ka qaaday oo uu siiyay beelaha dega Gobolka Kmida Gobolada dalka isaga oo marxuumku ixtiraamaya kursiga Madaxweynenimo ee uu ku fadhiyay xiligaas ayuu Gobolka ee uu kasoo jeedo oo xiligaa lahaa kuraas 12 kursi oo golaha wakiilada ah uu laba kamida kasiiyay beel kamida beelaha Somaliland oo cabatay sidaasna ay kuraasta Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil noqdeen 10 kursi ilaa hadana ay yihiin tobankaas kursi,