Wiil Dhalainyaro Ah Oo Kasoo Jeeday Somaliland Kana Tirsanaa Sirdoonka Dawlada Xamar Oo Qarax Lagu Dilay
July 21, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Eng. Fu’aad Saleebaan Jaamac oo ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya ayaa saaka Qarax loogu xidhay gaadhigiisa lagu dilay magaalada Muqdisho.
Fu’aad oo assal ahaan kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sidoo kale waxaa uu ka tirsanaa agaasime-waaxeedyada wasaaradda diinta iyo awqaafta dawlada Xamar ee Somaliya.
Marxuumkan ayaa Waxaa uu kamid ahaa ardaydii ka baxday jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa waxaanu wakhti dhexe oo sanado laga joogo uboqoolay magaalada halista badan ee Muqdisho halkaas uu labadan shaqo ka hayay.