Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta oo Hargeysa Ka Furmay
July 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka furmay bandhigga caalamiga ah ee buugaagta oo sanad waliba lagu qabto Somaliland.
Qabanqaabiyayaasha bandhiga ayaa waxay sheegeen in sanadkan la soo bandhigi doono 120 buug oo cusub iyo buugaag hore loo qoray.
Bandhigga ayaa waxa uu soconayaa muddo toddobo maalmood ah waxaana buugaagtooda kusoo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah iyo kuwa cusub.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa si rasmi ah u furay bandhiga buugaata ee sanadkan, iyada oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Britain ee Somaliya Daved Concard .