Somaliya Oo Shaacisay Qadarka Lacagtii Loogu Deeqay Shirkii Brussels
July 22, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii Brussels ee Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareysa dalka Soomaliya iyo wafuud ka kala soctay beesha caalamka.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen in ay Somalia ku yaboohayaan 1.2 billionoo Euro ah.