Akhriso Qisada”Nin Muddo 30 Sano Ah Aan Hurdo Seexan, Sababta Ku Kalliftay Iyo Dhibaatooyinka Uu Ka Cabbanayo !
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Run ahaantii waa arrin aad u layaab badan in muddo 30 sano ah uu qof seexan waayo amase ay is iloobo hurdada, dadka qaar ayaan u adkeysan karin hurda la’aanta balse nin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaan muddo 30 sano seexanin.
Ninkan waxa magaciisa la yidhaahdaa Al- Ghamidi waxaanu wareysi uu siiyay shabakada wararka ee Al-merghab oo Shabakada Berberatoday.com ka soo xigtay uu ku cadeeyay in aanu seexan muddo 30 sano ah, taasina waxay ka dhigan tahay inay hurdo haba yaraatee aanu seexan tan iyo markii ay da’diisu ahayd 40 jir, maadaama oo ay maanta da’diisu tahay 70jir. Ninkan ayaa waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa ciidammada Dalkaasi waxaanu sidoo kale cadeeyay in xilligaasi uu muddo 20 habeen ah aanu seexan oo uu ku jiray hawl ciidammeed.