Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Culus Ku Qaadey Saldhig Ciidan Iyo Wararkii UGu Danbeeye
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Kismaayo(Berberatoday.com)-Kooxda Al-Shabab ayaa saaka waaberigii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay ku leeyihiin deeganaka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya inay laba baabuur oo qaraxyo ah ay Al-Shabaab ku weerareen goobtaasi, kadibna uu xigay weerar rasaas ah.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay afar askari kaga dhinteen weerarkaasi, islamarkaana ay kooxda Shabaab ka dileen 7.