berberatoday.com
“Dhawaaqa Xildhibaan Bidhiidh Waa Mid Geesinimo Iyo Waaya Aragnimo Ku Dheehantahay Waxana Uu Fariin Uyahay Saaxiibadiisa Golaha Ay Kusoo Wada Jireen Ee Uhaqal Tagaya Inay Soo Noqdaan Mar Kale”Maxamud Maxamed Jaamac Dhegaweyne
July 23, 2018 - Written by Berbera Today

Go’aan geesinimo, waaya aragnimo, muhanninimo iyo bisayl ka muuqdo weeye, go’aanka uu maanta ku dhawaaqay Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Aw Adan. Xildhiban Bidhiidh Berbera oo ahaa mashiinada wareejiya maskaxda hagta gollaha deegaanka degmada Berbera oo uu ka mid ahaa mudanayaasha ugu muddada dheer.

Dhawaaqa xildhibaanku wuxuu hordhac u yahay fariin uu u dirayo saaxiibadiisa ay gollaha ku soo wada jireen, una sheegayo in xilku qori isu dhiib yahay maalinbana lagu eego awrka reerka u dhaamin kara, lana nasiyo gurgurshaaga guyaal badan garbihiisa la soo isticmaalay. Waxaanay goodi u tahay ragga weli u xusul duubaya soo noqoshada bulshadii hore ugu hibaysay codkooda, oo maanta ka filaya inuu ku soo celiyo amaanadii ay hore u saareen, si ay u tijaabiyaan caqli iyo cudud kale oo geediga sii wada.

Go’aanka xildhibaanku waxa kale oo uu dhiirigelin,Hiil iyo gacan qabashaba u yahay da’yarta leh hanka musharaxnimo, hamuuntana u qaba inay ka faa’iideeyaan maskaxda iyo muruqa cusub ee ku jira. Waxayna dhalintaasi maanta daremeen yididiilo iyo niyad wanaagsan oo ka turjumaysa weli inay jiraan dad raba in da’yartu safka hore yimadaan, inay joogaan deegaanadooda hormuud diyaar u ah inay kuraasta idiin baneeyaan idina noqdaan hage iyo tuse tolmoon.

Ugu dambeyn Xildhibanku wuu mahadsanyey go’aankaa uu qaatayna waa mid ugu qormi doonta bogga taariikheed ee togan ee u leeyahay.

 

 

W/Q Mohamoud Mohamed Jama(Dhegoweyne)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews