Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah kula qaatay Madaxtooyada Somaliland Safiirka dalka UK u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku jooga dalka.
Af-hayeenka Madaxweynaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa kulankan ka war-bixiyey waxaanu yidhi, “Kulankan waxay Madaxweynaha iyo safiirku kaga wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday oo muddo hakad ku jirey iyo sidii dib loogu billaabi lahaa, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada waddan.”