Xanuun Khatar Ku Ah Wadnaha Oo La Ogaaday In Uu Xidhiidh La Leeyahay Cunista Hilibka Duban
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa isku xidhiidhisay cunsita hilibka duban iyo dhiigkarka aadka u sarreeya. “Natiijada cilmibaadhistayadani waxa ay muujinaysaa in dadka ka fogaada hilibka noocyadiisa, xoolaha, digaagga iyo kalluunkuba sida tooska ah loogu dubo dabka ama heerkul aad u sarreeya (Moofada korontada) ku bislaada, in ay yaraato cabsida looga qabo in uu ku dhaco dhiigkar aad u sarreeyaa” Sidaa waxaa caddeeyey, Dr. Zhang Liu, oo ka tirsan kulliyad caafimaad oo hoostagta jaamacadda caanka ah ee Harvard oo u warramay qaybta caafimaadka ee wakaaladda wararka ee Reuters uga warramay daraasaddan.