Dagaal Ka Qarxay Deegan Katirsan Ceel Afweyn Iyo Dhimasada Oo Saddex Qof Mareysa Xili Ergadii Nabadayntu Hawshii Ku Jiraan Oo Odayaal Labada Dhinac Ah Shalay La Dhaariyay
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
Ceel Asweyn(Berberatoday.com)-Warar hada soo gaadhay Warbaahinta Madaxa banaan waxaa ay sheegayaan in Degaanka Ceeryaan Ee Konfurta Magalada Ceerigaabo isla markaana dhinaca bari kaga beegan deeganka Ceel Afweyn uu saaka dagaal ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega .
Iska hor imaadkana saaka labada beelood ka dhex qarxay ayaa waxaa ku naf waayay 3 Ruux oo labada dhinac-ba sida ay wararku sheegayaan isla markaana waxaa ku dhaawacantey tiro intaas ka badan .
Labadan beelood ayaa kala ah Beesha Biciide / Habar Jeclo iyo Beesha Muuse Ismaciil / Habaryoonis .