Dalka Giriiga Labaatan Ruux Oo Ku Dhex Gubtay Guryahahooda Iyo Gawaadhidooda Oo Dab Kaymo Kacay Sababay
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
Giriig(Berberatoday.com)-Dab ka kacay kaymo ku yaalla Giriigga ayaa dilay ugu yaraan 20 ruux, sida ay dawladdu sheegtay, masuuliyiinta dalkaasina waxay raadinayaan caawimaad caalami ah.
Boqolaal ruux oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku hawlan daminta dabka, dadkuna waxay isaga carareen guryahoodii u dhawaa magaalada caasimadda ah ee Athens.
