Daawo Muuqalka”Macalimiin Mudaharaad Cabasho Ah La Hortagay Wasaarada Waxbarashada Somaliland
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Macalimiinta waxka dhiga dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay mudaharaad cabasho ah la hortageen Wasaarada Waxbarashada Somaliland, Kaasi oo la xidhiidha Imtaxaan ay sheegeen in ay Wasaaradu ka qaadayso.
Dhanka kale Guddida macalimiinta iyo masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada ayaa wada yeeshay kulan saacado badan qaatay,Sidoo kalena markii uu soo dhamaaday kulankaasi waxaa warbaahinta la hadlay Af-hayeen u hadlayay guddida macalimiinta waxaana uu sheegay in ay isku af garan waayeen kulanka dhexmaray iyaga iyo masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada.