Sheekh Mukhtaar Roobaw Oo Dawlada Somaliya Dib Ugu Celiyay Hanti Ay Lahayd Iyo Maraykanka Oo Gudoonsiisay Hadiyad Aad U Qaali Ah + Nooca Ay Tahay
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wadaadka kasoo goostay Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) uu dib u celiyay gaadiid ay laheyd Dowlada Somaliya.

Gaadiidka oo ahaa hanti Qaran isla markaana aanay xabadu Karin ayaa waxa uu dib ugu ceshay gacanta dowlada Somaliya, kadib markii uu helay gaadiid kale oo tayo leh.
Illo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow ayaa xaqiijiyay in wadaadka hadiyad ahaan ay dowlada Mareykanka u siisay ilaa seddex gaadhi oo aanay xabadu karin kuwaa Oo uu ku dhex isticmaali doono gudaha magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo.