Hargeysa 149 Caruura Oo Waalidiintood La Nool Yihiin Xanuunka HIV Aids Oo Bad Qab Caafimaad Ku Dhashay
July 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Lixdii bilood ee ugu dambeeyay 23 carruur ah oo ka badqaba xanuunka HIV/Aidska balse ay waalidiintoodu la nool yihiin xanuunka ayaa ku dhashay cisbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa.
Waalidiinta ayaa isticmaala daawo ka caawisa in aanu xanuunku u gudbin ilmaha uurka ku jira.
60 qoys oo qaba xanuunka HIV/Aidska ayaa la isku guuriyay saddexdii sano ee ugu dambeeyay guud ahaan deegaannada Somaliland, waxaana ay dhaleen 149 carruur ah oo ka badqaba xanuunka Aidska – sida laga sooxigtay waadhka umulaha ee cisbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa.
Ururka TALO-WADAAG ayaa door muhiim ah ka qaatay hawshan isku guurinta qoysaska la nool xanuunka HIV/Aidska.