Proffesor CAbdi Ismaaciil Samater Oo Soo Bandhigay Xogaha Kulankii Shalay Ee Raysal Wasaaraha Itoobiya , Madaxweynaha Eritrea Iyo Dhaxal Sugaha Imaraadka + Muuqaal
July 25, 2018 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah, kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.
Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano.