Wariye Ka Tirsan Telefiishanka SBC Oo Muqdisho Lagu Dilay Xalay
July 27, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo ahaa sawir qaade ka tirsanaa TVga SBS ayaa sida la sheegay waxaa toogasho ku dilay magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidanka amniga ee dawladda Soomaaliya.
Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah guddoomiyaha Haayada xuquuqul insaanka Udooda Suxufiyiinta Somaliya, wuxuuna intaa ku diray in askarigii booliska ahaa ee falkaas ka dambeeyey uu cararay.
“Cabdirisaaq wuxuu saarnaa mooto bajaaj, wuxuuna sii galaayey beerta nabadda, markii askarigu uu joojiyey mootada. Wixii dhex maray ma naqaanno, laakin waxaa laga warhelay iyadoo uu askarigu laba xabadood madaxa kaga dhuftay” ayuu yidhi Ismaaciil.