Gaadiid Dekeda Berbera Ka Qaaday Raashinka Wfp Oo Ku Xaniban Jig-Jiga Iyo Sababta
July 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gaadiid tiro badan oo Dekeda Berbera ka qaaday Raashinka Mucaawimada ah ee Hay’ada WFP, ayaa muddo todobaad ah ku xaniban Magaalada Jigjiga halkaasoo ay u wadeen raashinkaa, kaddibna markii ay geeyeen laga rogi waayey wakhti ka badan lix maalmood.
Qaar kamida Gaadiidleyda ayaa sheegay inaan wali laga dejin Raashinka, sababtana waxay ku tilmaameen xarumihii lagu rogi lahaa raashinka oo buuxa, iyadoo taasina caqabad dhanka shaqada ah ku keentay.