Dhul Gariir Xooggan Oo Ku Dhuftay Jasiirad Ku Taalla Indonesia Iyo Tirada Dhimashada
July 29, 2018 - Written by Berbera Today
Indonesia(Berberatoday.com)-Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay deegaan dalxiiska caan ku ah oo ku yaalla dalka Indonesia, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Dhul gariirkan oo lagu khiyaasay 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa ka dhacay bartamaha jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia subaxnimadii saaka.