Marxuum Abwaan Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
July 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alleh ha u naxariistee magaalada Hargeysa waxaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyoodey xildhibaan ka tirsan Golaha guurtida Somaliland Kaas oo ah Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axme opo magaca dheeraa Jaamac Riyo
Marxuum Jaamac Riyo ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey xanuusanaayey isla markaana waxaa la filayaa in marxuumka galabta La aaso .
Rabi ha Unaxariisto Abwaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo Hargeysa ku geeriyooday
wuxuu ahaa nin xikmad badan oo suugaanta heesaha iyo weliba majaajilayntaba ku wacan sidoo kale wuxuu ahaa nin caddaaladda u ololeeya aadna u jecel
samir iyo iimaan ehelkii iyo asxaabtiisiiba si gaar ah waxaan uga tacsiyadaynayaa golaha guurtida Somaliland oo uu ka mid ahaa