Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Qaramada Midoobey U Cadeeyey Mawqifkiisa Dagaalka Tukoraq
July 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wufuud ballaadhan oo ka kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

Wufuuddan oo ay kala hoggaaminayaan ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo, ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo ka socda Soomaaliya iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.