Farmaajo Oo Safiir U Magacaabay Mid Ka Mid Ah Madaxda Jaamacadda Hargeysa
July 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa safiir u magacaabay Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Hargeysa.

Mr. Odowaa ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu siday warar xogogaali ahi sheegeen markii xilkaas loo magacaabay uu baabuur kaga baxay xadka Somaliland isagoo gaadhay magaalada Garowe ee deegaanka Puntland.