” Faysal Markii Loo Taag-Waayay Taageerada Uu Shacbiga Ka Helay Waxay Ku Soo Ururtay 4%” … Siyaasi Cali Gurey
July 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo ka tirsan Saraakiisha sar-sarre ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Sheegay inaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe aannu ogolayn in Xisbiga UCID uu noqdo Xisbi qaran oo taabbo-gal ah, waxaannu ku sifeeyay qof aan lagu qancin karin innuu banneeyo booska guddoomiyenimo ee Xisbigaas.
