Wali Waxa La Raadinayaa Raqda Iyo Ruuxda Khaalid Cabdixakiim Ibraahim Oo Kamid Ahaa Kaluumaysatada Berbera Oo Mudo 9 Maalmooda Kahor Dooni Kaluumaysi Bada Kula Xumaatay
July 30, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo habeen hore uun xeebta bariga Berbera ee Ceeldaraad uu ka soo Caaryay Yuusuf Cabdi Cige oo loo yaqaano Ina Tuke oo kamid ahaa labadii dhalinyarada kaluumaysatada Berbera ee mudada 7 todobada maalmood ka hora bada ku qarqoomay ee Laashkii ay ku kaluumaysanayeen uu la xumaaday ayaa Waxa wali baadi goobkii raq iyo ruux lagu jiraa Khaalid Cabdixakiin Ibraahim(Ina Cabdixakiin Xaali)oo ahaa wiilkii labaad ee shilkaas ku wehehlinayay Yuusuf Cabdi Cige doonta laashka kaluumaysina ay wada wateen.