Ciyaar Adduunka Laga Ciyaaro Oo Noqotay Halis Gallaafatay Nolosha Dad Badan !
July 31, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muddooyinkii dambe ayaa guud ahaan Dunida ku soo badanayey Jaaska Amase ciyaarta haatan ku cusub Dunida oo soo baxday Toddobaad ka hor.
23Guud ahaan barraha Bulshada ayaa waxay dad badani ku baahiyeen Muuqaalo ay iska soo duubeen xilli ay jaaskaasi ciyaarayeen, balse qaar ka mid ah dadkaasi ayaa ku naf waayey.
Muddo maalmo ah gudahood ayaa waxa Facebook lagu baahiyey 150kun oo muuqaal oo la xidhiidha ciyaartaasi, sababta ciyaartani ka dhigtay mid halis ah ayaa waxay tahay inuu qofku bilaabayo ciyaartaasi isagoo saaran Gaadhi isla markaana waxa uu qofku ka dagayaa gaadhiga oo aan istaagin waxaanay arrintaasi halis galinaysaa qofka naftiisa maadaama oo uu ka dagayo gaadhi socda.