Daawo Muuqalka”Imaaraadka Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inuu Somaliya La Heshiiyo , Una Quus Gooyey
July 31, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Qarqaash, ayaa ka hadlay dhexdhexaadin laga dhex wado dawladdiisa iyo dawladda taagta-daran ee Soomaaliya kadib khilaafkii kala kaxeeyey ee salka ku hayey heshiiska dhexmaray Somaliland iyo UAE ee ku saabsan maalgelinta shirkadda DP WORLD ku horumarinayso dekedda Berbera.
Mr Qarqaash oo ka jawaabaayey su’aal laga weydiiyey horumarinta ay shirkadda Dp World ka waddo dekedda Berbera xili uu khudbad ka jeedinaayey mac-hadka Policy Exchange oo ku yalaa dalka Ingiriiska.