Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Kenya Oo Booqasho Ku Tagaya Dalka Eritrea
July 31, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay dhawaan booqasho ku tagaan caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa in uu ku horeynaayo booqashada Asmara, waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya oo isna tagay.