Ujeedada Shir Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka Ahi Hargeysa Kula Yeesheen Masuuliyiinta Qaramada Midoobay Iyo Igad
July 31, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa shalay gelinkii danbe kulan gaar ah oo ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Wefti ka socday Qaramada midoobay iyo urur-gobolleedka IGAD oo booqasho hawleed u yimmi Somaliland.
Kulankan oo shalay galinkii danbe ku qabsoomay Ambassador Hutel ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warramay madaxda sare ee labada xisbi oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani.
Ugu horreyna, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankani iyo waxyaalihii ay kaga wada hadleen, waxaanu yidhi “Qadiyaddii Somaliland waxa ka xoog roonaatay qadiyadda Tuke-raq, waxaana la iloobay wixii kale ee laynaga caawin lahaa ee ahaa dhaqaale, Doorashooyinka, markaa weftiga waxaanu uga sheekaynay arrintu sidii ay ku billaabantay iyo inay buunbuuniyeen dawladda dhexe ee Soomaaliya, maadaama oo ninka Jamaal la yidhaa (Wasiir Soomaaliya ah) uu iska yimmi dhulka Somaliland, gaar ahaan Sanaag bari, waxaanu u sheegnay in dhulkan la yidhaa Sool iyo Sanaag in la wada degan yahay, sidaa awgeed gobollada Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto gobol reer keliya uu deganyahay, marka laga reebo gobolka Majeerteeniya (Puntland)”. Faysal waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxaanu u sheegnay dhibaatada Soomaalida haysataa inay ka immanayso siyaasiyiinta labadaasi Gobol, Soomaaliya waxaanay la degi weyday waxay adduunka mar kasta ka soo iibinayaan war been ah oo xafiis kasta na waxa fadhiya qof reer Garoowe ama Boosaaso ah, markaa waxaan is qabanayn xaqiiqada gudaha taalla iyo beentaasi, waxaanu u sheegay markay Soomaaliya soo kala qaybiyeen ayey annaga noo soo jeesteen”.