“Waa Ayaan-Darro In Haweenka Lagala Masuugo Kootada Ay Ku Yeelanayaan Barlamaanka.” Xildhibaan Baar Siciid
July 31, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Marwo Baar Siciid Faarax, oo ka mid ah Haweeynayda qudha ee ku jirta Golayaasha Sharci-dejinta, ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan Kootada Haweenka ee uu dhawaan Madaxweynuhu u soo gudbiyey Barlamaanka, xilli la tilmaamay in aanay suurtagal ahayn in Kooto loo sameeyo Haweenka, iyada oo aan Dastuurka la furin, waxayna tilmaantay inay Haweenku xaq u leeyihiin in Kooto loo sameeyo.
