Muqdisho Oo Lagu Diley Ganacsade Dhalinyaro Ah Oo Hal Abuur Cusub Keenay
August 2, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(berberatoday.com)-Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho lagu diley Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin dhalinyaro ah oo dib ugu soo laabtey Muqdisho isla markaana la yimid Muqdisho fikrado cusub oo ganacsi, waxaana uu Muqdisho ku qaban jirey “Events Startup” oo lagu soo bandhigayo ganacsiyo kala duwan.
Ganacsadahan hal abuuraha ah ayaa koox hubeysan ku weerareen meel ku dhaw isgoyska Banaadir, waxaana dhaawac ahaan loo geeyey isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday.