Cida Ku Guuleysatey Doorashadii Dalka Zimbabwe Oo Lagu Dhawaaqey
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Zimbabwe(Berberatoday.com)-Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka Zimbabwe ee ay hareereeyeen rabshadaha iyo eedeymaha ku saabsan wax is-daba marinta.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mnangagwa uu helay 50.8 boqolkiiba, isaga oo waxyar un ka hormaray hoggaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa.
Mnangagwa, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Waxaa i dareen geliyey in la ii doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe. Inkasta oo aan ku kala qeybsaneyn codbixinta, waxaa na mideeyey riyooyinkeena. Tani waa billow cusub. Aanu gacmaha isu qabsano nabad, midow, jaceyl iyo isku imaansho”