Dawlada Isreal Oo Ku Hanjabtay In Ay Talaabo Milatari Ka Qaadi Doonto Dalka Iiran
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Israel(Berberatoday.com0-Xukuumada Israel ayaa ku hanjabtay in ay ciidamado u dirayso marin biyoodka Bab al-Mandeb haddii xukuumada Iran ay isku daydo in ay xirto marin biyoodkaasi , sida uu sheegay Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowlada Sacuudi Carabiya ay sheegtay in ay hakisay istcmaalka marin biyoodka Bab-Al-Mandeb ee u mari jiray shixnadaha oo ah waddada ka dib markii dagaalyahanada xuutiyiinta ay weerareen laba markab oo ku gooshayay marin biyoodkaasi.