Gabadh U Dhalatay Phillippin Oo Ku Dhalatay Laba Garab Oo Saa’id Ah Oo Ku Yaalla Caloosha Dusheeda !
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Philipin(Berberatoday.com)-Abuurta Ilaahay SWT ee kala duwan ayaa waxay mar walba ina tusinaysaa awooda iyo weynida ALLE SWT.
Haddaba, sida ay baahisay shabakada Wararka ee Russia Today oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegtay in gabadh yar oo u dhalatay Dalka Phillippin oo da’deedu tahay 14 jir ay ku dhalatay arrin mucjiso ah oo aheyd inay gabadhaasi caloosheeda dusheeda kaga yaalaan xubno ka mid ah xubnaha jidhka Bani’aadamka ah oo ay ku soo dhalatay.
Gabadhan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Veronica, waxaana laabta kaga yaalla laba garab oo dhibaato ku haya isla markaana la koraya jidhkeeda, dhibaatada ugu badan ee soo waajahda Veronica ayaa waxay tahay ciddiyaha ka baxa faro ku yaalla xubnahaasi saa’idka ah ee jidhkeeda ku abuuran.