War Deg Deg Ah”Wasiirka Warfaafinta Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo BBC La Hadlay Ayaa Shaciyey Halkuu Ku Sugan Yahay Madaxweynihii Iyo Sida Ay Wax U Socdaan + Muuqaal
August 4, 2018 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberratoday.com)-Wasiirka warfaafinta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ka warbixiyay Wararkii ugu danbeeyay magaalada Jigjiga iyo khsaaraha ka dhashay iska hor imaadkii shacabka jig jiga iyo ciidamada fadaraalka Itoobiya dhexmaray, waxaanu sheegayaan in Ugu yaraan inta la ogyahay toban qof ay ku dhinteen iska hor imaadkaas. Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Idiriis Ismaaciil Cabdi oo Wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay wax udhaceen iyo sidoo kalena shaaciyay halka uu ku sugan yahay madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xaaladiisa. Halkan hoose ka daawo muuqaalka