Somaliland Oo Beenisay Eedaymo Puntland U Jeedisay Iyo Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Buuhoodle Oo Hargeysa Lagu Dabiibayo
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa beenisay eedaymo Maamul-gobolleedka Puntland ku sheegtay in Somaliland ka dambaysay Qarax Arbacadii Toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Buuhoodle, kaasi oo ay ku dhinteen laba Nin oo hore xilal uga soo qabtay Kooxda Khaatumo iyo Xukuumaddii Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa Somaliland ku eedeeyay inay ku lug lahayd Qaraxa ka dhacay Buuhoodle, balse Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa ka jawaabay eedaymahaasi, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan hadal kooban ka idhaahdo Hadal ay Shalay illaa doraad aad ugu rafteen kuna celcelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Nin la yidhaahdo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel) oo ay yidhaahdeen Somaliland baa ka dambaysay Qaraxii ka dhacay Buuhoodle, hadalkaasi waa hadal la siyaasadeeyay oo colaad ku fadhiya oo dad isku dil ku fadhiya oo hubsiimo la’aan ku fadhiya. Waxa kale oo ay yidhaahdeen waxbaanu baadhaynaa, maxay baadhaan Maxsuulkoodiiba way sheegeene, inaad tiina ku salayseen, inaad Colaad ku salayseen oo aan Mabda’ hoose iyo mid sare toona oo aan ahayn Ummadda Somaliland dhexdeeda ha iska layso wax aan ahayn oo ku jiraa ma jiraan, intaas ayayna uga dan lahaayeen.”