berberatoday.com
War-bixin Sheegtay In Sannadkii U Dambeeyay 12 Dhallinyaro Soomaali Ah Lagu Dilay Magaalada London
August 5, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-12 kii bilood ee la soo dhaafay waxaa magaalada London lagu dilay 12 dhalinyaro Soomaali ah, waxayna taas ka dhigan tahay in bil kasta celcelis ahaan la dilayay hal Wiil oo Soomaali ah.

Warka LondonTirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi ka tahay 10%.

Dadka carruurtooda la dilay waxaa ka mid ah Hooyo Foosiya Axmed, iyada oo ooyeysa ayay BBC-da u sheegtay in ay haleeshay masiibo ayna aqoonin meel ay kaga timid.

Dadka qaar ayaaba hadda ka fikiraya sidii ay carruurtooda uga qixin lahaayeen Ingiriiska, isla-markaana gayn lahaayeen meel bad qabta.

Niciima Xareed oo ah agaasimaha ururka haweenka iyo dhallaanka ayaa sheegtay in dhibka ugu badan uu ku dhaco hooyooyinka, isla-markaana aabayaashu ay yihiin kuwa maqan.

Balse Cabdi Muuse oo ah Agaasimaha Ururka saaxiibbada Geeska ayaa qaba in hal qof aanu kaligii wax qaban karin, wuxuuna yidhi “Hal qof iyo hal qof oo inaga dhintaa xanuun weyn weeyaan, 10 boqolkiina waa wax badan, waxaana anaga nala gudboon waxa ay yihiin in aan ogaanaa haddii aanan anaga is caawinin, cidna nama caawin karto”.

Waxaa xusuusin mudan in dadka la dilo ayna ku jirin dumarka dhalinyarada ah, kaliyana ay yihiin dhalinyarada labka ah, haddaba maxay tahay sababta?

Cabdi Muuse ayaa sharaxaya “Dhawr arrimood ayaa sabab u ah, kow waa askartii oo la dhimay, meelaha aan deggen nahay oo meelo faqri ah, dhalinyaradii oo aanan loo samaynin siyaasad arrimaha bulshada, dhalinyaradii oo wax ay qabtaan aanan haynin”.

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee London oo magaciisa iyo wajihiisa aanan shaacin karin ayaa sheegay in dirir ka dhaxaysa kooxaha is abaabulay ee jinsiyadaha kala duwan iyo Soomaalida ay ugu wacan yihiin dilalka dhaca, wuxuuna yidhi “Waxaa dhacda in la dilo wiil Soomaali ah oo aan xitaa ku lug lahayn rabshadaha, Soomaali ahaana loo dilo”.

Dadka hore ay dhibaatadan u soo qabsatay waxaa ka mid ah Maxamed Xaashi oo ah xildhibaan golaha deegaanka xaafada London ka tirsan, markii uu 15 jir ahaa ayaa mindi lagu dhaawacay, wuxuuna yidhi isaga oo dhacdadaas ka sheekeynaya “Mindida waxa ay igu dhacday ciyaal rabay in ay talefoonkayga qaataan, waxaanan damcay in aan la dagaalamo, kadibna mindida ayay I galiyeen, aniga waan baqay, waxaanan muddo watay kiyaawe, sababtoo ah waxaan is weydiiyay, iyaga mindiyo ayay wataan, aniga maxaan wataa?”.

Isaga xalka waxa uu arkaa in aanan Soomaalida gaar isu soocin, oo iyada oo ka mid ah bulshooyinka kale loo waajaho si wada jir ah.

Waxa kale oo uu qabaa in Soomaalida oo ka maqan golayaasha siyaasadda ee Ingiriiska ay ugu wacan tahay in aanan la dejinin shuruuc lagu illaalinayo dhalinyarada Soomaalida.

Dhallinyarada la dilay 12-kii bilood ee u dambeeyay dhammaantood waxa lagu dilay Mindi ama Tooray ay la dhaceen dhallinyaro intooda badan ah Caddaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews