|
berberatoday.com
Xukuumadda Oo Sheegtay In Hargeysa Loogu Hanjabay Madaxii Goob-joogayaasha Ee Doorashadii Madaxtooyada
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedaymo uu Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u jeediyey Madaxa Goob-joogayaashii Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Sannadkii hore 2017-ka Dalka ka qabsoontay.
Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa dhawaan eedaymo u jeediyey Madaxii goob-joogayaasha Caalami ah ee doorashadii Madaxtooyada 2017-ka qabsoontay, ka dib markii Mr. Micheal Walls War-saxaafadeed uu Hargeysa ka soo saaray ku sheegay in barnaamij loogu Magac-daray Baadi-goob oo dhaliilay Daah-furnaantii Doorashadii Madaxtooyada uu ahaa farriin loogu talo-galay Shirkii beesha Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku qabsadeen Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, War-saxaafadeedkaas oo sababay in Dadka qaarkood u hanjabaan Mr. Micheal Walls isla-markaana uga digaan inuu mar kale yimaaddo Somaliland.
War-saxaafadeed uu Shalay soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka guud ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa lagu sheegay inaan Somaliland dhexdeeda Cidna lagu handadi karin.
War-saxaafadeedkaasi oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda ku dhaqani, waxaana dhammaantood ku waajib ah inay wada ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka, wax kasta oo la isku qabtana loo raaco wixii sharcigu jideynayo.
Tusaale ahaan, Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda gacanta ku haya shaqada, waxa markii la sameynayey lagu dhisay xeer, iyadoo toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay komishanku ay xukuumadda, Baarlamanka iyo axsaabta qaranku mid waliba keenay xubnaha xeerka doorashooyinku siiyey, kadibna ay sidaa ku qabteen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii.
Qabashada doorashada macnaheedu, waa tartan u dhexeeya dhinacyo kala duwan oo cidi ku guulaysanayso, cidna laga guulaysanayo, iyadoo loo marayo dariiqa uu jideynayo xeerka doorashadu, sidaa awgeed waxa cid kasta waajib ku ah inay ixtiraamto natiijada ay soo saaraan guddida doorashooyinka, haddii kale waxaynu noqonaynaa ummad aan ku dhaqmin oo aan dhawrin xeerarkii ay iyagu dhigteen.
Komishanka qaranka ee doorashooyinku wuxuu leeyahay muddo xilliyeed cayiman. Magacaabistooda, ansixintooda iyo waqtiga beddelkooduba wuxuu ku cad yahay xeerka doorashooyinka.
Sidaas darteed, suurtagal maaha in iyagoo aan dhammeysan muddadoodii la beddelo, iyadoo la dhawrayo nidaamka sharci ee lagu dhisay oo ay tahay dhammaanteen in aynaan ku xad-gudbin, murana ka keenin doorashooyinka kadib, innagoo u aaneyna guuldarro.
Haddaba, arrinta la-yaabka lihi waxay tahay, in xisbiga WADDANI uu hore u aqbalay natiijadii doorashada, haddana mar kale madmadow geliyey in laga guulaystay, balse haddana uu yidhaahdo “Madaxweyne” markaa goormay sax yihiin? Sidayse dunidu inoo arkaysaa marka aynu iska indho tirno ku dhaqanka shuruucda aynu wada dhiganay, iyadoo aynu nahay dal weli dunida ka doonaya ictiraaf?
Wakhtigii doorashada madaxtooyada waxaynu oggolaanay in goobjoogeyaal caalami ahi ka soo qaybgalaan doorashadaas, si ay markhaati uga noqdaan sidii ay u dhacday , waxase ayaan darro ah in Dr. Micheal Walls oo ka mid ahaa lixdankii goobjooge ee ka kala socday 27ka waddan, in markii uu dalka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii bishii hore ee July loogu hanjabay in haddii uu dalka dib ugu soo laabto uu wixii gaadha isagu masuul ka noqon doono, taasina waa ayaan darro kale oo dibindaabyo iyo dabinba ku ah danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.
Waxaan u sheegaynaa cid kasta in dalka JSL uu yahay dal nabdoon oo aan cidna waxba lagu yeeli karin, looguna hanjabi karin, Dr. Micheal Walls iyo cid kasta oo dalka dano u leh way iman karaan, kuna soo laaban karaan xilliga ay doonaan, iyadoo xukuumadda Somaliland horeba u damaanad qaaday ammaanka muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah ee martida u ah, waxaanan kula talinaynaa dadka sawirka taban ka bixinaya dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland inay dhawraan sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.”
Berberatoday.com
COMMENTS
|