DP World oo ka Hadashay Sharciyadda Heshiiska Dekedda Berbera
August 6, 2018 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa shaaciyey inay nidaam sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera.
Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlayey telefishanka Maraykanka ee CNBC oo wakaallada wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanu shaaciyey in aanay jirin sabab heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland.