Fadeexadii Qarniga”Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi Oo Shirkad Gaar Loo Leeyahay Siiyay Buur Kutaala Agagaarka Tuulada Lafaruug Oo Dhagax Macdani Ka Buuxo
August 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi ayaa Shirkad Gaar Loo Leeyahay Siiyay In Ay Buurta Lafaruug Ee Gobolka Saaxil Kutaala Ka Gurato Dhagax Macdan ubadan hase yeeshee la sheegay in Lagu dhiso dekedaha iyo Madaarada,
Warqada uu Wasiirku soosaaray Ayuu ku sood siiyay masuuliyiinta hoos ku xusan ,gudoomiyah degmada berbera, isuduwaha wasaarada hawlaha guud ee gobolka saaxil, agaasimaha guud ee WHG ,wasiirka Arimaha Gudaha, iyo Shirkada somaliland hono group construction co, Qoraalkan waxaa ka maqan og tii lasiin lahaa badhasaabkii gobolka,