Xildhibaan Guurtiya Oo Ka Dayriyay Xaaladda Siyaasadeed Iyo Nololeed Ee Uu Dalku Maanta Marayo
August 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa shacabiga Somaliland ku tilmaamay mid nasiib daran oo aan helin nolol u qalanta tan iyo markii ay xoroobeen boqortooyadii Ingiriiska.
Waxa uu xildhibaanku ku tilmaamay madaxweynayaashii Somaliland soo maray kuwo midba ka danbeeya uu ka sii daraayay, waxaanu siyaasada dalka ku tilmaamay mid curyaan ah.
Xildhibaan Axmed Obsiiye oo la hadlay shabakada Hadhwanaag, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ugu horaysa dadkani waa dad nasiib daran ilaa lixdankiibaan ogaa oo aan joogay markii ay lahaayeen koonfur na raaciya ee ay ku qaylinayeen, ilaa maalintaas ilaa maanta sidaad isku leedahay haday ka soo raynaysaa ayay noqonaysay wax ka sii dara uun, dalkani siyaasad ahaan,dhaqaale ahaan,shaqo ahaan, bulshada nooc walba waxaan u arkaa dal aad u rajo xun.”