Madaxda Baanka Iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Ka Hadashay Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Iyo Sarrifka Dollarka
August 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com0-)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dhoofka Xoolaha, sicir bararka, is bedelka ku yimid qiimaha sarifka iyo meeshacada wali qaaliga ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Xasan Saajin iyo Agaasimaha guud ee Baanka Axmed Xasan Carwo ,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Agaasimaha Baanka Axmed Xasan Cabdi Carwo, wuxuu sheegay in dhoofka xooluhu sameeyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqa ganacsiga, waxaanu tilmaamay inay wadaan dadaal dheeraad ah oo ay sare ugu qaadayaan tayada iyo qiimaha lacagta Somaliland, waxaanu yidhi ugu horeyn “Dhawaan waxaan safar shaqo ku tagay Berbera, gaar ahaan Baanka Berbera, oo runtii aanu ku talo jirno in aanu u dhisno si casriya, oo la mid ah sida Baanka Hargeysa, runtii waxa kale oo aan indhahayga ku soo arkay sida xawliga ah ee xoolaheenu uga dhoofayaan Dekaddeena, iyadoo dhab ahaan dhoofkan xooluhu uu sameeyn ku yeeshay dhaq-dhaqaa ganacsiga iyo suuqa, runtiina imika qiimihii sarifka hoos ayuu u dhacay, inkasta oo uu hoos u dhacay, haddana qorsha aanu wadno ayaa ah inuu hoos uga soo dhaco halka uu maanta taagan yahay, si lacagteena iyo shilinkeenu qiimo u yeeshaan, taasina waxay ku imanaysaa iyadoo Shacabkeenu muhiimada iyo ahmiyada siiyaan isticmaalka lacagtooda, isla markaana ay ku dadaalan inay wax walba ku kala iibsadaan, sida Waxbarashada, Biyaha, Laydhka, Kirada iyo wixii la midka ahba, mar kasta oo isticmaalka lacagteenu badato, waxa yaraanaya qiimaha lacagaha kale ee qalaad, markaas lacagtan ayaa lacagteeniiya, umad kastaana shilinkeeda iyo lacagteeda ayey awooda saarta, oo ay isticmaasha, ee shacabkeenu shilinkooda ha isticmaalan, muhiimada iyo ahmiyada kowaadna ha siiyaan”.