Mid Kamida Halgamayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Oo La Filayo In Loo Soo Magacaabo Maareyaha Haamaha Keydka Shiidaalka Berbera
August 13, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Hadal haynta Baraha Bulshada iyo Shacabka Magaalada Berbera ayaa ayaa Tilmaamaya cid ku haboon ee loosoo magacaabi karo Maareeyaha Hamaha Keydka shiidaalka Berbera, Inta Badan dadweynaha reer Berbera ayaa saadaalinaya in maareyaha haamaha shiidaalka Berbera loo soo magacaabi Doono Dr Cismaan Cabdi Barkhadle(Dr Shiine)oo hore usoo noqday Maareyaha haamaha keydka shiidaalka Berbera Xiligii xukumadii Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Axmed Siilanyo Hogaaminaayay ka caydhisay maamulka haamaha shirkadii TOTAL ee mudada dheer maamulka haamaha kaydka shiidaalka maamulaysay.