Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Dhisme Ka Socady Hoteelka Caanka Ah Ee Hargeisa Club Iyo Nuxurka Laba Qodob Oo Lagu Haysto Dadka Dhisanaya
August 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda hawlaha guud ee JSL ayaa hakisay dhisme dib u habayn ah oo laga waday hoteelka caanka ah ee Hargeisa Club oo dadka hadda dhisanayaa u bedeleen magaciisa Olympic hotel. Hoteelka ayaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin muddo 20 sanandood ah inuu kiraysto u qoray Suldaan Siciid Maxamed Ducaale.
