“Sunta Dekeda Berbera Lagu Aasay Waxaa Ka Masuula Safiir Baashe Iyo DP World”.Xildhibaan Siciid Gaane
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha guddida deegaanka ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Gaane ayaa waxaa uu safiir Baashe Cawil iyo Shirkada Dp World ku eedeeyay sun la sheegay in lagu aasay magaalo xeebeedka Berbera, Waxaana uu sheegay in ay masuul ka yihiin arintaas.